Duqa Muqdisho oo Amaro Dul Dhigay Dadka Dagan Dhulka Danta Guud

0
36

Isniin 09, June 2025 {HMC}  Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ka hadlay munaasabadda furitaanka imtixaanka fasalka 8-aad ee gobolka Banaadir, isagoo ballan qaaday in muddada uu xilka hayo uu sare u qaadi doono tayada iyo tirada dugsiyada bixiya waxbarashada bilaashka ah.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in gobolka Banaadir horey ugu yaalleen 50 dugsi oo si bilaash ah waxbarasho u bixinayay, islamarkaana ay qorsheynayaan in la dhiso dugsiyo cusub, halka kuwa burbursanna la dayactiri doono.

Sanadkan, tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaanka fasalka 8-aad ee gobolka Banaadir ayaa kor u kacday, iyadoo in ka badan 41,000 arday ay saaka imtixaanka ku galeen 108 xarumood oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Guddoomiyuhu waxa uu intaa ku daray in la rajeynayo in sanadka dambe tirada dugsiyada gobolka ay gaarto 100 dugsi, iyadoo sidoo kale la filayo in tirada ardaydu ay sii kordho.

“Hala baneeyo goobaha waxbarashada gobolka Banaadir, si sannadka soo socda ardayda wax ku baraneysa u gaaraan 100 kun” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Muungaab ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka degan xarumaha waxbarasho ee dowladda in ay si nabad ah u banneeyaan, si dowladda fursad ugu hesho inay howlgeliso xarumahaas.

Maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay waday dadaallo lagu horumarinayo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed, iyadoo dowladda ay shaqaaleysiisay kumannaan macallimiin ah oo ka shaqeeya dugsiyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here