Muxuu Yahay Shirka aay Soomaaliya ugu Qeeybgaleeyso Shiinaha?

0
10

Talaado 10, June 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali Dhaay ayaa gaarey magaalada Changsha ee xarunta gobolka Hunan ee dalka Shiinaha, halkaasi oo ka dhici doono Shir looga hadlayo Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Shirkan ayaa diirada lagu saari doona iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Shiinaha iyo waddamada Afrika iyo Dardar galinta mashaariicda iskaashi ee dhinacyada horumarka, ganacsiga, maalgeshiga, iyo dhaqaalaha.

Abdisalam Dhaay ayaa la filayaa inuu kulammo doceed la yeesho mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Shiinaha iyo madax ka kala socda dalalka Afrika, si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, loona kobciyo iskaashiga dhaqaale iyo horumarineed ee labada dal.

Bandhigga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Shiinaha iyo Afrika oo soconaya dhowr maalmood ayaa sidoo kale lagu soo bandhigi doona fursadaha ganacsi, maalgashi iyo wax-soo-saarkooda, iyada oo la xoojinayo wada-shaqeynta ganacsi ee labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here