Puntland oo faah-faahin ka bixisay Hadal muran badan Dhaliyay uu jeediyay Madaxwayne Deni.

0
48

Talaado 10, June 2025 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa faahfaahin ka bixiyay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo si weyn uga dhex abuuray dood iyo falcelin baraha bulshada.

Hadalka Madaxweynaha oo ku saabsanaa “iib-geynta dalka” ayaa dad badan, oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal, ku fasireen inuu la xiriiray heshiisyo lagu bixinayo kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland, sida macdanta, iyadoo laga cabsi qabay in shirkado shisheeye lagu wareejinayo.

Balse Wasiir Maxamed Faarax ayaa beeniyay eedahaasi, isagoo sheegay in hadalka Madaxweynuhu uusan ahayn mid la xiriira xaraashka kheyraadka, balse uu ahaa mid dhiirigelinaya maalgashi caalami ah oo waxtar u leh dalka. Wuxuu xusay in si qaldan loo turjumay micnaha hadalka Madaxweynaha.

“Iib-geyntii Madaxweynuhu sheegay waxa loo qaatay in waddanka la
xaraashayo, laakiin fahamku sidaasi ma ahayn,” ayuu yiri Wasiirku. “Waxaan
rabnaa in aan iib-geyno nabadda ka jirta waddankeena, in aan iib-geyno
ammaanadeenna, si dalkeena loo maalgashado.”
Wasiir Maxamed Faarax ayaa intaas ku daray in Puntland rabto in ay “iibgeyso” muuqaalka wanaagsan ee ay leedahay: “Waxaa la rabaa sidoo kale in
aan iib-geyno dad lala dhaqmi karo in aan nahay, in aan iib-geyno
dalkeenna baraf in uusan ka di’in oo qorrax helno sannadkii oo dhan,
waxaan rabnaa in aan iib-geyno in waddankeenu ku wacan yahay beerasho
iyo maalgashi.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyn xusay in Puntland ay dooneyso in ay soo jiidato
maalgashi sharci ah oo kaabaya horumarka dhaqaale, isla markaana aanay
jirin wax heshiis ah oo lagu xaraashayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here