Arbaco 11 June 2025 {HMC} Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka duulayo soo Celinta dhismayaasha kabayaasha muhiim-ka ah Ee gobalka hiiraan, iyo ahmiyada aay leedahay Dibu-dhiska wadooyinka iyo bundooyin-ka aay u Leeyahiin isku socodka dadka Iyo gadiidka ayaa Dhegax dhigay dhismaha cusub ee buundada saalax jeere oo lagu dhisayo isku tashi dowladeed Iyo mid shacab oo wadajir .
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye oo wado Dadaalada dardargelinta Iyo soo celinta adeegyada dowladnimada ayaa Xusay muhiimada aay leedahay dhisidda kabayaasha dhaqaale ee gobalka madaama Gadiidleeyda sida maciishadaha kala duwan ee isaga kala goosho gobalada dalka aay dhib ku Qabeen , ayadoo dhismaha buun-dadaan uu noqon Doono marin wax badan fududeen doona.
Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu xoojinayaa Adeegyada dibu dhiska wadooyinka, hirgelinta kabayaasha Dhaqan-dhaqaale ee gobalka hiiraan Adkeeynta amnigga midaas oo maamulka gobolka Hiiraan uu xaqiijinayo heerar’ka kala duwan ee Dhaqangelinta adeegyadaas bulsho si shacabka Loogu celiyo adeegyada dowladnimada ee aay Mudanyahiin ineey helaan.