Dad lagu xirxiray Los Angels xilli uu magaalada ka dhaqangalay Bandow

0
12

Arbaco 11, june.2025 {HMC}  Askar aad u badan ayaa la soo tubay bartamha magalada rabshaduhu hareeyeen ee Los Angels ee gobolka California, wax yar ka dib markii uu dhaqangalay bandow habeenkii ah oo lagu soo rogey faras magaalaha.

Ciidamada Booliska ayaa durbaba waxay billaabeen in ay xirxiraan tobaneeyo dad ah oo iska dhego-tiray amarka lagu manuucay isku socodka aan muhiimka ahayn.

Bandowgaan oo ay ku dhawaaqday Duqa magaalada Los Angels Karen Bass, ayaa loogu talogalay in lagu xakameeyo rabshadaha ay dhigayaan dadka ka soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Trum ee dhanka socdaalka.

Karen Bass ayaa sheegtay in xiriir ay goor sii horreysey la sameysay madaxweynaha ay ugu sheegtay in uu joojiyo ciidamada heer federal ee uu magaalada ku soo daldalayo, iyadoo u xaqiijisay in gobolku ku filan yahay in uu amnigiisa sugto.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in aysan waddooyinka Los Angels ka dhex muuqan wax ciidamo federal ah – ha ahaadeen Ilaalada Qaranka ama Marines-ka oo Trump horay ugu amray in ay ka qaybqaataan xasilinta magaalada, tillaabadaas oo aad looga dhiidhiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here