Ingiriiska iyo waddamo kale oo xayiraado culus saaray wasiirro Isra’iiliyiin ah oo ‘xagjir’ ahaa

0
13

Arbaco 11, june.2025 {HMC}  Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa cambaareeyay go’aanka Britain, Norway, Australia, Canada iyo New Zealand ay ku cunaqabataynayaan laba wasiir oo xagjir ah oo Israa’iiliyiin ah. Wuxuu sheegay in tallaabadan aysan caawinayn dadaallada Mareykanka ee xabad-joojinta Gaza.

Dalalkan ayaa labadaas wasiir ku eedeeyey “hurinta rabshadaha soo noqnoqda ee ka dhanka ah bulshada Falastiiniyiinta” ee ku nool Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasiirradan oo kala ah Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich ayaa labadaba laga mamnuucayaa inay tagaan UK, waxaana la xayirayaa dhamaan hantida u taala UK ku taal, taasoo qayb ka ah tallaabooyinka uu ku dhawaaqay xoghayaha arrimaha dibadda.

Waa qayb ka mid ah tallaabo ay si wadajir ah Talaadadi ugu dhawaaqay dalalka kale ee Australia, Norway, Canada iyo New Zealand.

Wasiirka arrimaha dibedda UK, David Lammy ayaa sheegay in wasiirka maaliyadda Smotrich iyo wasiirka amniga qaranka Ben-Gvir ay “huriyeen rabshadaha iyo xadgudubyada halista ah ee ka dhanka ah xuquuqda bulshada reer Falastiin”.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa cambaareeyay tallaabadaas. Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter, ayaa waxaa uu ku yiri: “Cunaqabateyntani ma aha mid xoojinaysa dadaallada uu Mareykanku hoggaaminayo ee lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin, isla markaana lagu soo daayo dhammaan dadka la haysto, lana soo afjaro dagaalka”.

Wuxuu ku booriyay dowladahaas, Britain, Norway, Australia, Canada,iyo New Zealand in ay ka laabtaan cunaqabateynta, isagoo intaa ku daray in Mareykanku “uu garab taagan yahay Israa’iil.”

Israa’iil oo arrintan ka jawaabeysa waxay sheegeen “Waa wax laga xumaado in wakiillada la soo doortay iyo xubnaha dawladda laga qaado tallaabooyinkan oo kale.”

Safiirka Maraykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa isna ku biiray cambaaraynta Rubio, isagoo ku tilmaamay tallaabada wadamadaas “go’aan naxdin leh”

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Saar, ayaa sheegay in golaha wasiirrada Israa’iil ay kulmi doonaan toddobaadka soo socda si ay uga jawaabaan waxa uu ugu yeeray “go’aan aan la aqbali karin”.

Wasiirada, Smotrich iyo Ben-Gvir ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay mowqifkooda ku aaddan dagaalka Gaza. Labada wasiir waxay ka soo horjeedaan in gargaarka loo ogolaado marinka, waxayna ku baaqeen in Falastiiniyiinta halkaas ku nool laga raro Daanta Galbeed isla markaana la dejiyo meel ka baxsan dhulkaas.

Xafiiska arrimaha dibedda UK ayaa sheegay in “ay ku dadaali doonnaa inaan gaaraan xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gasa, si degdeg ahna oo loo sii daayo la haystayaasha haray ee ku jira gacanta Xamaas, gargaarka oo la kordhiyo iyo waddadadal labada dhinac ah oo xal looga gaarayo dagaalka.”

Bishii la soo dhaafay madaxda Britain, France iyo Canada ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegeen in Israa’iil ay halis ugu jirto jabinta sharciga caalamiga ah. UK ayaa sidoo kale burburisay wadahadalo ganacsi oo kala dhaxeeyay Israel.

Israa’iil ayaa dhistay oo ay sameysay ilaa 160 deegaan oo ay ku nool yihiin 700,000 oo Yuhuud ah tan iyo markii ay qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here