Maxaa Ka Jiro in Ciidamada Khalifa Haftar aay taageeraan weerarada maleeshiyada RSF

0
11

Arbaco 11, june.2025 {HMC}  Xafiiska Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Sudan ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyada RSF, oo taageero ka helaysa ciidamada Liibiya ee uu hoggaamiyo General Khalifa Haftar, ay weerar ku qaadeen xuduudaha ay wadaagaan Sudan, Masar, iyo Liibiya.

Warsaxaafadeedka milateriga Sudan ayaa lagu sheegay in weerarkan uu yahay isku day lagu doonayo in maleeshiyada Daglo, oo si ballaaran u taageeraya Imaaraadka Carabta, ay gacanta ku dhigaan aagga xuduudkaas istiraatiijiga ah.

Milateriga Sudan ayaa cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen faragelin militari oo toos ah oo ay ciidamada Khalifa Haftar ku hayaan gudaha dalka Sudan, taasoo ay ku sifeeyeen mid ah weerar cad oo ka dhan ah madax-bannaanida dalka, dhulkiisa iyo dadkiisa.

“Shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Sudan waxay si adag u difaaci doonaan dalkooda, madax-bannaanidooda iyo karaamadooda,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay afhayeenka ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here