Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradah Hindiya oo dhacday.

0
17

Khamiis 12 June 2025 {HMC}  Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradah Air India nuuceeduna yahay Boeing 787-8 Dreamliner ayaa ku dhacday magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya.

Diyaaraddan oo siddey in ka badan 200 oo rakaab ah, kuna sii jeeddey magaalada London ayaa soo dhacday wax yar ka dib markii ay ka kacday gigida Ahmedabad.

Diyaaradda oo summadda duulimaadkeedu ahaa AI171, ayaa u muuqata in ay ku dul habsatay deegaan lagu nool yahay.

Wasiirka Duulista hawasda ee Hindiya Kinjarapu Ram Mohan Naidu ayaa sheegay in ay socdaan hawlaha gurmadka degdegga. Illaa hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay shilkan diyaradeed, waxaase meesha diyaaraddu ku dhacday ka muuqda uuro madow muujineysa in diyaaradda dab qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here