Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay dagaalka AS

0
11

Khamiis 12 June 2025 {HMC}  Lataliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, Dr. Badr Abdelatty, xilli ay ka wada qeyb galayaan shirweynaha sanadlaha ah ee Oslo Forum 2025.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida gobolka.

Labada masuul waxay muujinayeen sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka labada dal ee Masar iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar ah uga wada hadlay fursadaha cusub ee iskaashi amni iyo ganacsi.

Wasiir Badr Abdelatty ayaa kulanka ku caddeeyay in dowladda Masar ay weli ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Ciidankiisa qeyb ka qaadan doonaan Howlgalka ka socda gudaha Soomaaliya ee AUSSOM.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli la filayo in ay Ciidanka Masar kaalin ka qaataan dagaalka ka dhanka ah AS ee ka socda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here