Khamiis 12 June 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wadahadallo lagu doonayey in xal loogu helo muran dhanka ganacsiga ah ee indhaweydba dhex yiilley dalalka Shiinaha iyo Mareykanka ay ku dhammaadeen ‘heshiis’.
Mr. Trump ayaa sheegay in Shiinuhu ogolaaday in shirkadaha Mareykanka uu ka iibiyo birlabka iyo macdanta kale ee macduunka ah, taas beddelkeedana Mareykanku ka laabanayo xayiraaddii uu ku soo rogey fiisayaasha ardayda Shiinaha.
“Heshiiska aan la gaarney Shiinahu waa mid siku dhan, wuxuuna keliya oo sugayaa in aniga iyo Madaxweyne Xi aan sixiixno oo qudha,” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social.
Heshiiskan ayaa yimid ka dib labo maalmood oo labada dhinac ay magaalada London uga socdeen wadahadallo lagu doonayey in lagu far iyo suuliyo dagaalka dhanka canshuuraha ah oo cuuryaamiyey ganacsigii ka dhexeeyey labadan dal ee dhaqaale ahaan dunida ugu tunka weyn.