Jimco 13, June 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa ugu baaqay Iran iyo Israa’iil inay “dib u gurtaan oo si degdeg ah u yareeyaan xiisadda”, isagoo ku tilmaamay weerarrada dhinacyada “kuwa walaac leh”.
“Kororka colaadda cidna faa’iido uma aha, si gaar ah gobolka,” ayuu yidh.
“Xasilloonida Bariga Dhexe waa in ay noqotaa mudnaanta koowaad, waxaana aannu la shaqeynaynaa saaxiibadeenna si loo dejiyo xaaladda. Waqtigan waxa loo baahan yahay is-xakameyn, degganaansho iyo in dib loogu noqdo diblomaasiyadda.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, David Lammy, ayaa isna ku celiyay baaqa Starmer ee ah in la muujiyo is-xakameyn, isagoo sheegay in sii socoshada colaadda ay “khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.”
“Xasilloonida Bariga Dhexe waa mid muhiim u ah amniga caalamka. Waa waqti halis ah, waxaanan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn.”