Maraykanka miyuu qayb ka ahaa weerarrada Israel ay ku qaadday Iran?

0
16

Jimco 13, June 2025 {HMC} Mareykanka ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn weerarada Israa’iil ay ku qaaday goobaha nukliyeerka Iran, taasoo ah tallaabo kor u sii qaadaysa xiisadda gobolka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, ayaa war-saxaafadeed soo saaray wax yar un ka dib markii duqeymuhu bilaabmeen, isagoo sheegay in Israa’iil ay qaaday “tallaabo kalinnimo ah”, islamarkaana uga digay Iran inaargudashadeedu uu saameeyo Mareykanka.

“Annagu kuma lihin wax lug ah weerarrada ka dhanka ah Iran, mudnaantayaduna waa ilaalinta ciidamada Mareykanka ee gobolka,” ayuu yiri Rubio. “Aan cadeeyo: Iran waa inaysan beegsan danaha ama shaqaalaha Mareykanka.”

Inkasta oo Mareykanka si cad uga fogaaday howlgalka Israa’iil, hadana telefishinka dowladda Iran ayaa si degdeg ah Mareykanka ugu eedeeyay in uu “ka qeyb qaatay” weerar ay ku tilmaameen mid “caruur lagu dilay”.

Weerarrada Israa’iil oo loogu magac daray Hawlgalka Libaaxa Soo Kacaya (Operation Rising Lion) ayaa lagu beegsaday barnaamijka nukliyeerka Iran iyo goobo kale oo ciidan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF).

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in weerarku uu ahaa lagama maarmaan maadaama Iran ay wali waddo dadaalkeeda ku aaddan in ay uranium-ka hodanka ah u beddesho hub, isagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah “badbaadada jiritaanka Israa’iil”.

Dowladda Israa’iil ayaa ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah, waxayna sheegtay in ay filayso in Iran ay aargudato. Netanyahu ayaa intaa ku daray in weerarrada lagu hayo Iran ay “sii socon doonaan inta ay doonaan”.

Warbaahinta dadweynaha ee Israa’iil (Kan) ayaa sheegtay in saraakiisha Israa’iil ay horey ugu wargeliyeen Mareykanka ka hor inta aysan bilaabin weerarrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here