RW Netanyahu Muxuu ka yiri weerarkii uu ku Nukleerka Iran?

0
28

Jimco 13, June 2025 {HMC} Ra’isul Wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarkii ay ku qaadeen Iran uu “wadnaha gooyey” barnaamijka naaxinta nukleerka Iran, ka dib markii ay duqeeyeen xarunta lagu naaxiyo tamarta Uranium-ka ee ku taal magaalada Natanz oo 225 Km u jirta caasimadda Tehran.

Sannadkii 2021 ayey ahayd markii Iran ku eedeysay Isra’il in ay weerarkii dhanka internet-ka ah ku qaadday isla xaruntan.

Netanyahu wuxuu intaas ku daray in ay sidoo kale beegsadeen saynisyahannadii Nukleerka Iran oo uu sheegay in ay maleegayeen shirqool ka dhan ah Isra’il maadaama sida uu yiri ay faraha kula jireen sameynta qumbulad Nukleer ah.

Ra’isul Wasaaraha Isra’il wuxuu gooddiyey in weerarradani “ay sii socon intii loo baahdo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here