Jimco 13, June 2025 {HMC} Isra’il waxay sheegtay in ‘Hawlgalka Libaax Toosay” loogu magac daray ee ay ka fulisey gudaha Iran lagu diley saraakiil sarsare iyo saynisyahanno lafdhabar u ahaa barnaamijka Nukleerka Iran.
Haddaba waxaan idin la wadaageynaa shanta qof ee illaa iyo hadda warbaahinta Iran xaqiijisay in lagu dilay weerarkii Isra’il:
Hossein Salami, Taliyihii Guud ee Ilaalada kacaanka Islaamiga ah
Gholamali Rashid, Taliyihii Xarunta Dhexe ee Khatam-al Anbiya
Fereydoon Abbasi, Saynisyahan cilmiga Nukleerka, islamarkaana horay u soo noqday madaxa Ururka Tamarta Atomikada
Mohammad Mahdi Tehranchi, Saynishan kale oo cilmiga Nukleerka
Mohammad Bagheri, Abbaandulihii Ciidamada Qalabka Sida ee Iran
Waxaa sidoo kale dhaawac loo geystey Cali Shamkhani oo ah Lataliye sare u ahaa Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Supreme Ayatollah Cali Khamenei
Waan idin la socodsiin doonnaa hadba wixii ku soo kordha warkan.