Axad 15, June 2025 {HMC} Raysulwasaaraha Israel ayaa ku goodiyay in Iran ay eedi doonto weerarkii gantaalaha ay ku soo qaaday Israel bilowgii bishan Oktoobar.
Afhayeenka militeriga Israel, Daniel Hagari, ayaa sheegay in gantaalada Iran ay ku soo dhaceen saldhigyo militeri iyo garoomo diyaaradeed, wuxuuna sheegay in aysan waxyeelo u geysan diyaaradaha dagaalka. Hagari wuxuu kaloo sheegay in ay weerarayaan Iran.
Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay CNN in aysan jirin wax damaanad qaadaya in Israel aysan weerareynin Nukliyeerka Iran.
Arintan ayaa soo baxday kaddib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu Israel kula taliyay in ay weeraraan Nukliyeerka Iran balse madaxweyne Biden ayaa ku adkeeyay Israel in aysan weerarin xarumaha shidaalka Iran.
Ururka Atoomikada Iran oo taa ka jawaabaya ayaa arbacadii sheegay in Nukliyeerka Iran aysan cidi weerari karin.
Nukliyeerka Iran waxa uu ka kooban yahay afar qeybood oo waa weyn, qeybta cilmibaarista, xarumaha naaxinta, madaxdyada Nukliyeerka iyo qeybta Yuraaniyamka.
Warshadda Nukliyeerka karun
Dhismaha mashruuca Nukliyeerka Iran waxaa laga bilaabay 2022-kii gobolka saliidda hodanka ku ah ee Khuzestan ee koonfur bari dalka.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiin reer Iran ah, waxa uu dhismaha qaadanayaa 8 sano, waxaana ku baxeysa 2 bilyan oo doolar.
Bishii May ee sanadkan ayey Iran ku dhawaaqday qorshaheeda in Karun ay ka dhiseyso warshada Nukliyeerka sameysa.
Sida laga soo xigtay madaxa ururka Atoomikada Iran, Mohammad Eslami, dhismaha waxa ku jira qeyb badqabka xaqiijineysa.
Warshadda Nukliyeerka Bushehr
Waa saldhigii ugu horeeyay ee Nukliyeerka Iran waxa uu ka kooban yahay warshada korontada ka dhalisa Nukliyeerka.
Nukliyeerka Iran markii hore wuxuu ku bilowday 1974-tii qorshe ganacsi iyagoo kaalmo ka helaya Jarmalka balse waxaa mashruuca la hakiyay 5 sano kaddib. Dib ayey Iran u bilowday 1990-kii kaddib markii ay heshiis la gashay Ruushka.
Moscow dib ayey u dhigtay mashruuca kaddib markii Qaramada Midoobay ay soo saartay qaraar lagu hakinayo naaxinta nukliyeerka Iran.
Bishii Desember 2007-dii ayey Moscow siisay dhululubooyin Yuraniyam ah oo lagu naaxiyo madaxyada nukliyeerka kaddibna sidaas ayey ku dhalatay korontada.
Waxaa walaac dhanka badqabka laga muujiyay naqshadaha isugu jirta Jarmal iyo Ruush gaar ahaan hadii khalad dhaco maadama ay goobtu tahay meel dhulgariirada u nugul
Xogtii ugu horeysay ee ku saabsan madaxyada biyaha Arak waxay soo baxday Desember 2002-dii markii la daabacay muuqaallo dayaxgacmeedka uu qaaday.
Hay’adda caalamiga ee Atoomikada IAEA ayaa bishii Agoosto booqatay goobta. Iran waxay u sheegtay qorshaheeda in bilowga 2014-ka uu shaqada bilaabayo.
Quwadaha adduunka waxay doonayaan in la joojiyo Arak iyagoo ka walaacsan in lagu sameynayo Nukliyeer.
Heshiis kumeel gaar ah ayaa la gaaray Nofember 2013-kii oo u dhexeeyay Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, UK, Faransiiska, Jarmalka iyo Iran kuna saabsan barnaamijka Nukliyeerka. Heshiiska waxay Iran ku ogolaatay in aan la naaxin Yuraniyamka iyo in aan la keydin.
Xarunta Yuraniyamka Gachin
Bishii Desember 2010-kii ayey Iran markii ugu horeysay sheegtay in ay dalkeeda ka soo saartay Yuraniyam nooca loo yaqaan Jaalaha, si loo naaxiyana waxay u qaaday qeybta madaxdyada Nukliyeerka.
Markii hore Iran waxay qiyaaseysay in aysan haysan Yuraniyam ku filan, waxayna ka keensan jirtay Koonfur Afrika.
Bishii Janaayo 2014-kii ayaa hay’adda IAEA loo ogolaaday in ay booqdaan Gachin.
Xarunta Yuraniyamka Isfahan
2006-dii ayey Iran bilowday in ay ka shaqeysiiso xarunta cilmibaarista Nukliyeerka Isfahan. Ujeedka ayaa ahaa in saddax qaab laga dhigo macdanta Yuraniyamka.
Xarunta naaxinta Yuraniyamka ee Natanz
Xarunta Natanz waa shaandheeyaha ugu weyn Nukliyeerka Iran, waxa ay shaqeyneysay ilaa iyo 2007-dii. Ma aysan dhageysan baaqyda Qaramada Midoobay ee ahaa in la hakiyo naaxinta.
Qeybtaas waxay ka kooban tahay saddax dhismo oo dhulka hoostisa ah oo awood u leh ilaa 50kun oo qeybood in ay sameeyaan.
Dhowr jeer ayey xaruntaasi soo wajahaday khatar. 2021-kii Iran waxay sheegtay in la soo weeraray.
Xarunta Fordow
Xaruntan waxay ku taal dhulka hoostiisa meel buuraley ah oo ku taal koonfurta caasimadda Tehran.
Jiritaanka xarunta Iran waxay u sheegtay hay’adda Atoomikada. Sirdoonka reer galbeedka ayaana markii hore soo ogaaday.
Xarunta kale ee Parchin waxay ku taal koonfurta Tehran. Waxaa inta badan loo isticmaalaa cilmibaaris iyo soo saarista sawaariiqda iyo walaxaha qarxa.
Xarunta Qom ee lagu naaxiyo Yuraniymaka waxaa la bilaabay 2012-kii bishii Janaayo. Waa meel aad loo ilaaliyo oo dhulka hoostiisa ku taal. Waxay u dhowdahay magaalada Qom. Si qarsoodi ah ayaa lagu dhisay xaruntaas. Iran waxaa lagu qasbay in ay shaaciso kaddib markii la hordhigay cadeymo dayaxagacmeedka ah.
XIGASHO BBC