Axad 15, June 2025 {HMC} Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dib u dhigtay shirkii wadatashiga qaran ee lagu waday inuu qabsoomo Axadda, Juun 15, kaddib markii mucaaradka ay shaaciyeen inay ka baaqsanayaan ka qeybgalka.
Ilo-wareedyo dowladda ka tirsan ayaa u sheegay Caasimada Online in shirka si ku-meelgaar ah loogu qorsheeyay inuu qabsoomo Talaadada, Juun 17, kaddib markii cadaadis la saaray madaxtooyada si fursad loogu helo is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.
“Dib u dhaca wuxuu noqday lama huraan kadib markii dhinacyo siyaasadeed oo muhiim ah ay diideen inay ka qeybqaataan,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan Villa Somalia, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.
Kooxaha ka baaqday shirka waxaa ka mid ah Madasha Samatabixinta Qaran iyo isbaheysi ay ku mideysan yihiin ururro siyaasadeed oo rasmi ah. Labada dhinacba waxay dowladda ku eedeeyeen in ay kaligeed go’aansatay qabashada shirka, iyada oo aan la abuurin jawi loo dhan yahay oo ku habboon wadahadal dhab ah.
“Ma jiri karto wadatashi wax-ku-ool ah ilaa la isku waafaqo ajandaha, ka-qaybgalayaasha, iyo shuruudaha,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen Madasha Samatabixinta Qaran, oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin saameyn leh.
Dadka dhaliilsan shirka waxay ku eedeeyeen dowladda in ay u adeegsaneyso wadahadalladan sidii ay ugu xoojin lahayd awooddeeda, isla markaana uga reebi lahayd mucaaradka saaxadda siyaasadda, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashooyinka guud ee la filayo sanadka 2026.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale xilka la wareegay 2022, ayaa ballanqaaday in dalka loo gudbin doono nidaam doorasho oo ku saleysan “hal qof, hal cod” taasoo beddeli doonta habka qabiilka ku saleysan ee doorashooyinka horey loogu qaban jiray.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafyo siyaasadeed oo qoto dheer ayaa weli u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo kasoo horjeestay wax-ka-beddelka dastuurka iyo eedeymo ay u jeediyeen Muqdisho oo ku saabsan urursiga awoodda.
“Is-afgarad la’aanta u dhaxeysa dhinacyada siyaasadeed waxay halis gelin kartaa guulaha laga gaaray dib-u-habaynta,” ayuu yiri Cabdullaahi Xasan, oo ah falanqeeye ka tirsan International Crisis Group. “Ka-baaqsiga mucaaradka wuxuu iftiiminayaa kalsooni-darro baahsan oo laga qabo hab-maamulka dowladda ee wadahadallada.”