ISRiiL oo ku dhawaaqaday, in laga baxo qeybo kamid ah magaalada Tehran.

0
18

Isniin 15, June 2025 {HMC} ISRiiL ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhawaaqayso, aragtida in laga baxo qeybo kamid ah magaalada Tehran oo ay doonayso in ay burburiso, iyadoo yoolka ugu weyn ee ay ka leedahay ay tahay in dhulka dhigto guryaha xaafadaha magaalada Tehran~Yedioth Ahronoth ayaa kasoo xigatay saraakiisha amniga.

Tan waa siyaasad ay horey ugu isticmaashay Beyruut oo Lubnaan ah & Qasa oo Falastiin ah, waxaana muuqata in ay dhinaca ISR|L ka quusatay awood ay wax ku gaarsiin karto hadafkii ay dagaalka u gashay oo ahaa in ay burburiso Nuclear-ka Iran.

Netanyaha ayaa Qasa u galay 2 ujeedo oo aan 20 bilood ka dib uusan xaqiijin oo ahaa in hubka laga dhigo dhinacyada hubeysan ee Falastiin & in Maxaabiis lasoo furto, laakiin 2daasba lama hayo maanta, haddana Qasa ayaa la burburiyey oo duqeymaha hawada ay burburiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here