Maxaa ka cusub Shirkii wadatashiga ee maanta lagu waday in uu Furmo.

0
42

Isniin 15, June 2025 {HMC} Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmaya Gogosha uu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Gogoshan ayaa lagu casuumay madaxda heer federaal iyo dowlad goboleedyo, xubnaha baarlamaanka, siyaasiyiin, aqoonyahanno, haween, dhalinyaro, iyo wufuud kale oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka.

Qoddobada Gogosha looga hadli doona ayaa waxaa kamid ah Dib-u-eegis iyo dardargelin Dastuurka KMG ah, Xal u helidda khilaafaadka doorashooyinka iyo nidaamka federaalka iyo dagaalka AS.

Waxaa la filayaa in Gogoshan ka soo baxaan qoddobo looga gudbaayo kala arragti duwanaanta siyaasadeed.

Qaar kamid ah Xubnaha Mucaaradka ayaa diidan gogoshan, iyaga oo ku xiray shuruudo ay kamid yihiin in aan la isku waafaqsaneyn qoddobada qaar ee saldhiga u ah Shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here