Maxay Iran u sheegtaa xiliga ay weerarayso Israel?

0
22

Isniin 15, June 2025 {HMC} Ma is weydiisaa su’aasha ah, maxay Iran markasta u sheegtaa cadowgeeda goorta ay weerarayso halkii ay qarin lahayd ?

Dayax-gacmeedyo iyo diyaarado basaas ah ayaa si joogto ah ugu jira hawada Iran, waxayna si toos ah u dhex galaan:

Isgaarsiinta gudaha & waxkasta oo koronto ku shaqeeyo misna leh (signals)
Dhaqdhaqaaqa gaadiidka ciidan & meelaha muhiimka ah.

Marka Iran ay bilowdo diyaar garowga weerarka, xogtu si dhakhso ah ayey u helaan dayax gacmeedyada Mareykanka & Kuwa Israel xitaa haddii aanay jirin sirdoon dad ah oo gudaha uga soo warama.

Arrinta ugu muhiimsan ayaa ah, marka gantaalka la ridayo matoorkiisa marka uu ololayo (gubanayo), qalabka lagu ogaanayo waxaa la yiraahdaa “UV iyo IR”

Waa maxay UV iyo IR?

UV (Ultraviolet) iyo IR (Infrared Rays) waa labo nooc oo fallaaraha elektromagnetic ah oo aan indhaha aadanaha si toos ah u arki karin, laakiin aad muhiim ugu ah qalabka amniga iyo tiknoolajiyada casriga ah.

Qalabka UV wuxuu ogaan karaa waxyaabo aan la arki karin sida (fingerprints) & walxaha qaar marka la helo radiation.

IR (Infrared rays) – Waa nooc kale oo raajo ah oo ka yimaada wax kasta oo kulayl leh. Waxaa lagu ogaadaa qalab gaar ah sida kuwa basaasnimo ama militari ah si loo arko kulaylka uu shay sameynayo. Sidoo kale IR waxaa si weyn loogu isticmaalaa, kamaradaha loo yaqaano (thermal cameras)

– Qalabka ciidamada iyo sirdoonka si ay u arkaan dad, gantaalo ama gaadiid xitaa habeenkii.

Marka la isku daro UV iyo IR, waxay ogaan karaan, In gantaal la riday, meesha laga riday iyo jihada uu u socdo.

Sidaas darteed, Iran haddii ay sheegto weerarka ama aysan sheegin, ma qarsoomayo, waayo tiknoolojiyadda cadowgeedu waxay si toos ah u ogaaneysaa wax walba oo gudaha ka socda.

F.G: in la ogaado oo la arko iyo in goobta la gaaro waa kala labo, inta badan dhul buuro ah & godad hoostiis waaye xarumaha gantaalada iyo nukliyeerka Iran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here