Maxay yihiin waxyaabaha ugu xun ee dhici kara Dagaalka Iiraan iyo Israa’iil?

0
18

Isniin 15, June 2025 {HMC} Hadda dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan ayaa u muuqda mid ku kooban labada waddan. Qaramada Midoobay iyo meelo kale ayaa waxaa ka socda baaqyo ballaaran oo ku aaddan xakameynta dagalka.

Laakiin ka warran haddii dhag loo dhigi waayo? Ka warran haddii dagaalku sii ballaarto?

Halkan waxaan idinku soo gudbin doonaa dhowr xaaladood oo suurtagal ah, in ay xaaladda ugu daran ay ak dhalato.

In Mareykanka dagaalka lagu qasbo inuu soo galo

Inkastoo oo uu Maraykanka diiday ku lug-lahaashiyaha dagaalka, Iran waxay si cad u aaminsan tahay in ciidamada Maraykanku ay taageereen oo ugu yaraan si xeeladaysan u taageereen weerarrada Israa’iil.

Iiraan ayaa laga yaabaa inay weerarto bartilmaameedyada Mareykanka ee guud ahaan Bariga Dhexe – sida xeryaha ciidamada gaarka ah ee Ciraaq, saldhigyada militari ee Khaliijka, iyo ergada diblomaasiyadeed ee gobolka.

Ciidamada Iran ee Xamaas iyo Xizbullah ayaa laga yaabaa in tabartooda ay hoos u dhacday, balse maleeshiyaadkooda Ciraaq ku sugan ayaa weli hubaysan.

Maraykanku waxa uu ka baqay in weerarradan oo kale ay suurtagal yihiin taasi oo keentay inay kala baxaan qaar ka mid ah shaqaalahooda dalak Ciraaq. Fariintiisa guud, Mareykanka wuxuu si adag uga digay Iran cawaaqibka ka dhalan kara weerar kasta oo lagu qaado bartilmaameedyada Mareykanka.

Maxaa dhici kara haddii muwaadin Mareykan ah lagu dilo Tel Aviv ama meel kale?

Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu isku arko inuu ku qasban yahay inuu tallaabo qaado. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa muddo dheer lagu eedeeyay inuu doonayay inuu Mareykanka u jiido sidii uu uga adkaan lahaa Iran.

Falanqeeyayaasha militariga ayaa sheegaya in Mareykanka oo kaliya uu haysto bambaanooyinka gali kara gudaha ugu hooseeya xarumaha Nukliyeerka Iran, gaar ahaan kan Fordow.

Trump ayaa u ballan qaaday inuusan bilaabi doonin wax loogu yeero “dagaal jooogta noqon kara” oo Bariga Dhexe ka qarxa. Laakiin in badan oo Jamhuuriyiinta ah ayaa taageersan xukuumadda Israa’iil iyo aragtideeda ah in hadda la joogo waqtigii la raadin lahaa isbeddelka nidaamka Tehraan.

Laakiin haddii Maraykanku uu si toos ah ugu lug yeesho dagaalka, taasi waxay ka dhigan tahay xiisadda oo sii kororta oo noqon kara dagaal daba-dheeraada oo suurtagal ah in waxyeelo badan uu ka tago.

Waddamada Khaliijka oo dagaal lagu riixo

Haddii Iiraan ay ku guul dareysato in ay waxyeello gaarsiiso militariga Israa’iil ee sida wanaagsan loo ilaaliyo iyo bartilmaameedyada kale, markaas waxaa laga yaabaa in ay mar walba gantaaladeeda la beegsato bartilmaameedyada jilicsan ee Khaliijka, gaar ahaan dalalka Iiraan ay aaminsan tahay in ay gacan siinayeen cadawgeeda sanadihii lasoo dhaafay.

Waxaa jira bartilmaameedyo badan oo tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka. Xusuusnow Iiraan ayaa lagu eedeeyay in ay duqaymo ka geysatay xarumaha Shidaalka ee Sacuudi Carabiya 2019-kii iyada iyo xulafadeeda Xuutiyiinta ayaa duqeeyay bartilmaameedyada Imaaraadka sanadka 2022.

Tan iyo markaas waxaa jiray heshiisyo kala duwan oo u dhexeeya Iran iyo qaar ka mid ah waddamada gobolka.

Laakiin wadamadani waxay door ku ciyaaraan marti gelinta saldhigyada cirka ee Maraykanka. Qaar ayaa sidoo kale – si qarsoodi ah – waxay gacan ka geysteen inay Israa’iil ka difaacaan gantaallada Iran sannadkii hore.

Haddii Khaliijka la soo weeraro, waxay sidoo kale dalban kartaa in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay u yimaadaan difaaceeda iyo sidoo kale kuwa Israel.

Haddii Israa’iil ay ku guuldareysato inay burburiso awoodda nukliyeerka Iiraan

Maxaa dhacaya haddii weerarka Israa’iil uu fashilmo? Maxaa dhacaya haddii xarumaha Nukliyeerka Iran ay aad u qoto dheer yihiin, aadna loo ilaaliyo? Maxaa dhacaya haddii 400kg ama 60% uranium-ka hodanka ah iyo shidaalka nukliyeerka ay kaliya tallaabo yar u jiraan inuu noqdo hub buuxa, oo ku filan toban bam ama wax la mid ah oo aan la burburin?

Waxaa loo malaynayaa inay jiraan miinada qarsoon. Waxaa laga yaabaa in Israa’iil ay dishay qaar ka mid ah saynisyahano nukliyeer ah laakiin ma jiraan wax bambooyin ah oo burburin kara aqoonta iyo khibradda Iran.

Maxaa dhacaya haddii weerarka Israa’iil uu ku qanciyo hoggaanka Iran in sida kaliya ee ay uga hortagi karto weerarrada kale ay tahay in ay u tartanto awoodda nukliyeerka sida ugu dhakhsaha badan ee ay awooddo?

Ka warran haddii hoggaamiyeyaasha cusub ee milatariga ee miiska ku wareegsan ay ka madax adag yihiin oo ay ka taxaddar yar yihiin kuwii iyaga ka horreeyay ee dhintay?

Ugu yaraan, tani waxay ku qasbi kartaa Israa’iil inay qaado weeraro dheeraad ah, taasoo suurta gal ah inay gobolka ku abuurto weerar joogto ah iyo weerar celis. Israa’iliyinta waxay leeyihiin oraah naxariis darro ah oo dhanka xeeladda loo adeegsado; waxay u yaqaaniin “cawska gura”.

Waxaa jira cabsi dhaqaale oo caalami ah

Qiimaha Shidaalka ayaa durba kor u kacaya. Maxaa dhacaya haddii Iran ay isku daydo inay xirto marin biyoodka Hormuz, iyadoo sii xaddideysa dhaqdhaqaaqa maraakiibta Shidaalka?

Ka warran haddii – dhinaca kale ee Jaziiradda Carabta – Xuutiyiinta Yemen ay laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan weerarrada maraakiibta ee badda cas?

Wadamo badan oo caalamka ah ayaa durba waxaa ka taagan dhibaato dhanka nolosha ah. Qiimaha shidaalka ee kor u kacaya wuxuu ku sii dari doonaa sicir-bararka nidaamka dhaqaalaha caalamiga ah ee horeyba uga hoos jiray culeyska dagaalka canshuuraha ee Trump.

Yaynaan hilmaamin, qofka keliya ee ka faa’iidaysanaya kor u kaca qiimaha shidaalka waa madaxweynaha Ruushka Putin oo si lama filaan ah u arki doona balaayiin doolar oo kale oo ku qulqulaya khasnadaha Kremlin si uu ugu bixiyo dagaalka uu kula jiro Ukraine.

Haddii taliska Iiraan uu dhaco, iyo marnaan dhanka awoodda ah

Ka warran haddii Israa’iil ay ku guulaysato hadafkeedii fogaa ee ahaa inay qasabto burburkii taliskii kacaanka Islaamiga ahaa ee Iiraan?

Netanyahu ayaa ku andacoonaya in ujeedadiisa koowaad ay tahay inuu burburiyo awoodda Nukliyeerka ee Iran. Laakiin waxa uu bayaankiisa shalay ku caddeeyey in ujeedadiisa ballaadhan ay ku jirto isbeddel maamul.

Wuxuu u sheegay “Shacabk Iran” in weerarkiisu uu ” kuu banneynayo waddada aad ku gaari lahaydeen xorriyaddiina” waxa uu ugu yeeray “maamulkooda sharka iyo dulmiga ah”.

In la dumiyo dawladda Iran ayaa laga yaabaa inay soo jiidato qaar ka mid ah gobolka, gaar ahaan qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta. Laakiin ma laga yaabaa in firaaq dhanka awoodda ah uu dhaco? Waa maxay cawaaqibta aan la filayn ee ka dhalan doonta? Sidee buu u karaa iskahorimaadka sokeeye oo Iran ka dhaca?

Dad badan ayaa xasuusan kara wixii ku dhacay Ciraaq iyo Liibiya markii meesha laga saaray dawlad dhexe oo xoogganayd.

Markaa, wax badan ayaa ku xiran sida uu dagaalkani u socdo maalmaha soo socda. Sidee iyo intee in dhan ayay Iran uga aargudan doontaa Israa’iil? Maxayse tahay xakamaynta – haddii Maraykanku ma ku dadaalo in Israa’iil la xakameyo?

Jawaabta labadaas su’aalood wax badan ayaa ku xirnaan doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here