Poland oo muwaadiniinteeda kala baxaysa Israa’iil

0
8

Isniin 16, June 2025 {HMC} Poland ayaa qorsheyneysa inay ku dhawaad ​​200 oo muwaadiniinteeda ah ka daadgureyso Israa’iil maanta ama labada maalin ee soo socota, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa sidaas sheegtay.

“Waxaan u maleynayaa inaan diyaar noqon doonno dhowr iyo tobanka saacadood ee soo socda, daad-gureyntana waxay khusaysaa oo keliya dadka ku xayiran Israa’iil ee u tagay dalxiis ahaan ama joogitaan gaaban ku gaaray halkaas,” Henryka Moscicka-Dendys ayaa sidaas ka sheegay shir jaraa’id.

Waxay sheegtay in dadka la daadgureeynayo marka hore lagu daabuli doono dhulka magaalada Cammaan ee dalka Urdun ka hor inta aysan u duulin magaalada Warsaw, sababo la xiriira xiritaanka hawada Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here