Telafishinka Iran oo dib hawada ugu soo laabtay kadib duqayntii Israa’iil ee hawada ka saartay.

0
15

Isniin 16, June 2025 {HMC} TV-ga qaranka Iran ayaa hadda dib ugu soo laabtay baahintiisa tooska ah ka dib markii uu hawada ka baxay muddo daqiiqado ah markii ay gantaal ku dhufatay Israel.

Warfidiyeenkooda ayaa qoraal ay ku soo daabaceen shaashada ku sheegay in dhamaan barnaamijyadooda “ay dib u bilaabayaan si toos ah iyadoon wax kala go’ ah jirin”.

Wargeysyada kale ayaa isna sheegaya in Israa’iil “xadgudub arxan darro ah ay la beegsatay mid ka mid ah dhismayaasha TV-ga qaranka Iran”.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Israa’iil ay isku dayday in ay “aamusiso codka runta ah” iyada oo weerar ku ekeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here