Isniin 16, June 2025 {HMC} Waxaan hadda maqalnay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlaya shirka G7 ee Canada.
Isagoo ka soo dhinac muuqday hogaamiyaha Canada Mark Carney, Trump wuxuu sheegay in Iran “aysan ku guuleysanayn dagaalkan” waxay dooneysaa ayuu yiri inay ka hadasho sidii loo dejin lahaa colaadda kala dhaxaysa Israel, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay “mid xanuun u leh labada dhinac”.
“Waa inay isla markiiba wada hadlaan ka hor intaanay goor dambe noqon.”
Trump ayaa markaas la weydiiyay waxa ay ku qaadaneyso in Mareykanka uu dagaalka ku lug yeesho militari ahaan, isagoo ku jawaabay inuusan dooneyn inuu ka hadlo arrintaas.