Markabka Oruç Reis oo gudbin doona xogta ka soo baxday baarista Shidaalka Soomaaliya”

0
24

Arbaco, 18 Juun 2025 {HMC} Dowladda Turkiga, ayaa sheegtay in Markabka Oruc Reis dhawaan gudbin doono xogta rasmiga ee ka soo baxday howlgallada baarista Shidaalka.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga ayaa sheegay in Markabka cilmibaarista Oruç Reis oo gudaha Soomaaliya ku sugnaa 234 maalmood, isaga oo gaarey guulo dhanka Sahminta Shidaalka ah.

Intii uu socday howlgalkan, markabka Oruç Reis wuxuu ururiyay xog muhiim ah oo ah 3D seismic ah, isagoo maray aag dhan 4,464 kiiloomitir laba jibbaaran (km²)” ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Turkiga.

Isaga oo sii hadlaya wuxuu yiri Wasiirka “Markabka Oruç Reis oo ka shiraacday dekedda Muqdisho wuxuu ku wajahan yahay Turkiga, si uu u gudbiyo xogta qiimaha leh ee uu ururiyay, taasoo loo adeegsan doono horumarinta iyo maalgashiga tamarta”

Howlgalka Shidaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu galo wajiga labaad, waxaana Dowladda Fededaalka sheegtay in dhawaan ay soo bixi doonto Natiijada soo saarista Kheyraadka dalka gaar ahaan Shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here