Maxaa kala socotaa Alaabaha muhimka ah ee Soomaaliya ka soo dhoofsadaan Dalka Iran.

0
30

Arbaco, 18 Juun  2025 {HMC} Welwelka la xiriira sare u kaca maciishada, shidaalka iyo sahayda kale ayaa soo kordhaya caalamka oo dhan ka dib markii uu qarxay isku dhac u dhaxeeya Iiraan iyo Israa’iil oo weeraro is dhaafsanaya maalintii afaraad.

Meelaha durba laga dareemay kororka qiimaha alaabaha waxaa ka mida Soomaaliya gaar ahaan qeybo ka mida ganacsiyada oo inta badan dalku dibada wax ka soo dhoofsadaan.

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayo isbaddelo dhanka qiimahaa oo ku yimi alaabta qaar ee loo adeegsado dhismaha guryaha kuwaas oo si dadban ganacstada Soomaalida qaarkood uga keensadaan dalka Iran sida uu BBC-da u sheegay Injineer Bile Maxamuud Dhoore oo ka mida Injineerada dhismaha ee ka howlaga Muqdisho.

“Waxaan joogaa Soomaaliya, Muqdisho, waxay nagu yeelatay samayn hadda muuqata. Dagaalada hadda bilowday labadii maalmood ee ugu dambeyey waxaa sare kac laga dareemayaa alaabta dhismaha muhiimka u ah qaarkood sida birta shubka iyo shamiitada oo ay ugu darran tahay birta”, ayuu yiri Injineer Bile u sheegay BBC.

“Birta oo kale waxaa la gadi jiray laba maalmood ka hor kiintaalkii ama boqolkii Kilo ilaa $65 dollar, saakana waxaa la iibinayey 73 dollar, taas oo la macno ah in halkii kilo laga gadi jiray 0.65 cent halka hadda ay tahay 0.73 Cent, marka waxaa u dhaxeeya farqi 8 dollar ah isabadal ayaa ka muuqda,”.

Wuxuu intaa ku daray markii ay waydiiyeen ganacstada qaar sababta kororka qiimaha birta ku timid ay tahay in birta qiimo hoose ay ugu keeni jireen dalka Iran, haatana ay wax is badalayaan.

BirahaMagaalada Muqdisho ayaa ka mid ah magaalooyinka Soomaliya ee si xooggan ay ugu dhismayaan guryaha dabaqyada ah. Ingineer Bille ayaa qaba in taasi samayn ku keeni karto xawliga ay ku socdaan dhismaayaashu.

Alaabta dhismaha ee kala ah shamiitada iyo birta shubka ayaa inta badan ugu timaada Soomaliya dalka Iran balse lagu keenaa si aan toos ahayn. Sidaas oo kale dalalka Cumaan, Shiinaha, iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalka alaabta dhismaha ugu timaado Soomaaliya.

Bashiir, waxaa uu sheegay inay welwelka kale ee ay qabaan dadka ka shaqeeya dhismaha ay tahay in haddii uu xirmo marinka Hormus ay sii kordhi karaan qiimaha alaabahaan.

Biile Maxamuud Dhoore

Soo dhoofinta agabka Iran

Maxamuud Maxamed Ibraahim oo ka mida ganacstada Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in inkasta oo cunaqabatayn saarantahay dalka Iiran hadda si aan toos ahayn u ay alaabtu uga timaado.

“Laba waxyabood ayey isku darsadatay alaabta Iran; raqiis iyo tayo,” ayuu yiri Maxamuud oo BBC da la hadlayay.

Maxamuud, wuxuu sheegay inay suura gal tahay in ay kororka qiimaha intaas uu ka sii badan karo maadama colaadi ka jirto halkii alaabtaas sida dadban looga keeni jiray.

Iska-horimaadka u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan ayaa galay maalintiisii saddexaad, iyada oo dhinacyadu is waydaarsanayaan duqaymo iyo gantaallo.

Sooomaaliya ayaa sidoo kale waxyaabaha qutul duruuriga ah ugu yimaadan inta badan wadamada Carabta, taas oo haddii colaadu sii baahdo laga cabsi qabo inay samayn xun yeellato, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Xaaji Ingiriis, oo cilmiga taariikhda ka bartay Jaamacadda Oxford, haatanna cilmi-baadhe ka ah Akademiyadda Hoggaaminta Afrika ee Jaamacadda King’s College ee London.

“Soomaaliya waxa ay halbowle u tahay saliidda ka soo baxda Bariga Dhexe ee maraysa Gacanka Cadmeed iyo Marin-biyoodka Baab Al Mandab. Saamaynta ugu horraysa waa tan dhaqan-dhaaqalaha iyo ganacsiga Soomaalidu la leedahay waddmada bariga-fog. Saamayn kale, waa dhanka hawada oo durba diyaaradaha caalamku ay joojiyeen in ay isticmaalaan hawada waddamada qaar,” ayuu Ingiriis u sheegay BBC da.

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here