Warar cusub oo kasoo baxaya kulankii ka dhacay qolka xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad

0
41

Arbaco 18, June 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan degdeg ah ku qabtay qolkii xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad.

Kulankaas oo socday saacad iyo labaatan daqiiqo ayaa diiradda lagu saarayey su’aasha ah in Mareykanku uu ku biiro Israa’iil si ay u weeraraan goobaha nukliyeerka ee Iran, sida uu tebiyay warbaahinta CBS News ee Mareykanka oo bahwadaag la’ah BBC-da.

Warbixintu waxay sheegtay in aanay jirin heshiis wax heshiish buuxa ah oo ay isla qaateen la-taliyeyaasha ugu dhow Madaxweyne Trump.

Ka dib maalmo uu ku dhiirrigelinayey Iran in ay wada-hadalada dib ugusoo laabato, Madaxweyne Trump ayaa hadda ka fiirsanaya in Mareykanku si toos ah uga qayb qaato dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran.

Kulankii shalay ee golaha amniga qaranka ee Mareykanka, Trump iyo la-taliyeyaashiisa ayaa lagu soo warramay inay ka wada hadleen suuragalnimada weerar lagu qaado goobaha nukliyeerka ee Iran.

Mid ka mid ah bartilmaameedyada suuragalka ah ayaa noqon kara goobta lagu hormariyo uraniyaamta ee Fordo, taasoo si qotodheer ugu taala dhulka hoostiisa.

Kaliya Mareykanka ayaa haysta bam awood u leh inuu burburiyo goobtaas. Sida ay sheegtay CBS News, la-taliyeyaasha madaxweynaha ayaa wali ku kala aragti duwan tallaabada la qaadayo.

Warbaahinta Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sheegtay in Trump uu kulanka kadib khadka taleefanka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, hase yeeshee lama oga waxa laga wada hadlay.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, ugu yaraan 30 diyaaradood oo nooca shidaalka hawada ku shuba kuwaasoo loo adeegsado in lagu shido diyaaradaha dagaalka iyo kuwa wax duqeeya ah ayaa u kacay qaaradda Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here