Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Shiinaha, Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarka labada dal.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay in la sii amba-qaado wada shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Shiinaha.
Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusay in xiriirka labada dal sii xoogeysan doono.