DRC Kongo & Rwanda oo gaaray Heshiis Nabadeed oo Horudhac ah

0
17

Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC}Wakiillo ka kala socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, iyo Rwanda ayaa Arbacadii ku heshiiyay heshiis nabadeed oo horudhac ah oo lagu soo afjarayo colaadda ka taagan bariga DRC Kongo.

Heshiiskan ayaa si rasmi ah loo saxiixi doonaa 27-ka Juun, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen labada dal.

Dadaalada diblomaasiyadeed ee lagu xalinaayo colaada labadaan dal waxaa garwadeen ka ahaa dowladaha Mareykanka iyo Qatar.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in laga shaqeyn doono bixitaanka maleeshiyaadka ka dagaalamaya bariga DRC, iyo sidoo kale hubka dhigista iyo is-dhexgalka kooxahaas.

Kooxda M23 oo lagu eedeeyo in ay taageero ka helaan Rwanda, ayaa weerarro culus ku qaaday magaalooyinka Goma iyo Bukavu horraantii sanadkan, taasoo keentay dhimasho iyo barakac baahsan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ka qeyb geli doona saxiixa rasmiga ah ee lagu qabanayo magaalada Washington, halkaas oo wadahadallo seddex maalmood socday ay ka dhaceen.

Rwanda oo horay u beenisay inay taageerto M23, ayaa sheegtay in amnigeedu khatar ugu jiro kooxaha hubeysan ee ku sugan bariga DRC, gaar ahaan kooxda FDLR, oo ka tirsan dadkii gaystay xasuuqii 1994 ee Rwanda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here