Gudomiye mungaab oo Magacaabay Masuuliyiin Cusub.

0
36

Khamiis , 19 Juun  2025 {HMC}  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa magacaabay agaasimeyaal cusub, si loo dardar galiyo howlaha maamulka.

Ismaaciil Cali Xuseen ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhul Bixinta Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyadoo xilalkii laga qaaday Zakariya Bashiir Muude iyo Cabdicasiis Axmed Cali.

Xamdi Fatxi Cali ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Dariseynta Gobolka Banaadir, halkaas oo xilalkii laga qaaday Cabdifataax Jiinow Gacal iyo Mahad Xuseen Axmed.

Hani Xasan Cali ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Deegaanka, iyadoo xilka laga qaaday Cabdullaahi Xasan Maxamed.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta cusub in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh u gutaan shaqooyinka loo igmaday, islamarkaana ay dardargeliyaan adeegyada bulshada ee loo hayo shacabka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here