Iran oo Shaacisay in ay weerartay talisyo muhiim ah oo Isra’il leedahay Digniin culusna dirtay.

0
23

Khamiis 19 june 2025 {HMC} Dowladda Iran, ayaa maanta duqeymo culus ku garaacday bartilmaameedyo muhiim ah oo kuyaalla magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil, waxaana weerarkan ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi oo hadal jeediyay, ayaa sheegay in ciidanka Iran ay si toos ah u beegsadeen oo u burburiyeen xarun sirdoon iyo talis milatari oo ku yaalla gudaha Israa’iil.

Waxa uu intaasi ku daray Wasiirka inay weerarreen bartilmaameed kale oo muhiim ah oo kuyaalla gudaha Israa’il, waxa uuna xusay in goobaha la weeraray dhammaan la saxay oo si toos ah gantaallo loogu garaacay.

Wasiir Abbas Araghchi , ayaa ugu baaqay shacabka Israa’iil in ay isaga fogaadaan goobaha bartilmaameedka u ah , ay ku jiraan saldhigyada milatari iyo xarumaha sirdoonka oo bartilmaameed toos ah u ah.

”Waxaan ugu baaqaynaa dadka Israa’iil inay u hogaansamaan amarada daadgureynta ee aan soo saarnay, kuna dadaalaan inaysan ku sugnaan meelaha u dhow saldhigyada milatari iyo kuwa sirdoonka, si aysan noloshooda khatar ugu gelin.” Ayuu yiri Wasiir Abbas.

Dowladda Iran , ayaa xoojisay weerarada ay ku qaadeyso magaalooyinka Israa’iil kuyaalla, waxa ayna Israa’iil ku fashilantay in ay kahor tagaan weerarada dhinaca cir ah , waxaana fashilmay nidaamka difaaca ee Yahuuda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here