Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC}) – Ciidamada deegaanka ayaa xalay weerar Culus ku qaaday Saldhiga kooxda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Ceel dheere Buraale ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Weerarkan waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhawac leh sida ay sheegeyn Saraakiisha Ciidamada Macawisleey Gobolka Hiiraan. Waxaana ay sheekeyn in la burburiyay Saldhiga Cusub oo kooxda ka sameeysatay deegaannka.
Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa sheegay ay ka hortageeyn Abaabul ay kooxda ka waday deegaanadan, waxaana Ciidamada Macawisleeyda ay weerarka ka qaadeeyn deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.
Mudooyinkii dambo deegaano ku yaala xadka Hiiraan iyo shabeelaha dhaxe waxaa ka socday howlgal ka dhan ah Al-shabaab waxaana howlgaladan waday Ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.