Jimco , 20 June 2025 {HMC} – Iiraan waxaa ay marwalba sheegtaa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu gabi ahaanba yahay mid nabdeed aysana waligeed doonin inay horumariso hubka nukliyeerka.
Si kastaba ha ahaatee, toban sano ku dhowaad baaritaan ay samaynaysay IAEA ayaa lagu helay caddeyn ah in Iiraan ay samaysay ”dhaqdhaqaaqyo la xiriira horumarinta qalabka qarxa ee nukliyeerka” laga soo bilaabo dhamaadkii 1980 ilaa 2003. Wakhti mashaariicda hoos imaanayay wax loo yaqaanay ”mashruuca Amad” la laalay.
Iiraan waxa ay sii waday qaar kamid ah dhaqdhaqaaqyadeeda ilaa 2009- markaasi oo quwadaha Galbeedka ay shaaciyeen jiritaanka dhismaha goobta dhulka hoostiisa ee lagu hormarinayay oo ku taala deegaanka Fordo. Laakiin wakhtigaasi wixii ka dambeeyay ma jirin calaamado la isku halayn karo ee horumarinta hubka, sida ay hadda ku soo gabagabaysay.
Sanadkii 2015, Iiraan waxaa ay heshiis la gashay lixda quwadood ee caalamka oo ay ku aqbashay xaddiditaanka dhaqdhaqaaqyadeeda nukliyeerka iyada oo ogolaatay dabagal adag oo ay ku sameeyaan baarayaasha IAEA, taasi oo baddelkeeda looga qaadayo cunaqabataynada.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa diiday heshiiskaasi 2018, intii lagu guda jiray muddo xileedkiisii koowaad. Waxaa uu sheegay inay waxyar ka samaysay wadadii joojitaanka Bambka nukliyeerka, waxaana uu dib u soo celiyay cunqabateenadii Maraykanka.
Iiraan ayaa iyadana kaga falcelisay burinta xaddaynta, gaar ahaana kuwa la xiriira kobcinta.
Heshiiska Nukliyeerka waxaa hoostagayay in aan wax kobcin ah laga samayn Fordo muddo 15 sano ah. Si kastaba ha ahaatee, 2021 Iiraan ayaa dib u bilowday kobcinta ilaa 20%.
Khamiistii, dalada 35-ta dal ee IAEA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday Iiraan ay jabisay waajibaadkeeda soo saaris la’aanta markii ugu horaysay muddo 20 sano ah.
Milateriga Israa’iil ayaa Jimcihii sheegay in wejigiisii ugu horreeyay ee weerarrada cirka ay waxyeello gaarsiiyeen warshada dhulka hoostiisa ku taala ee Natanz, iyo sidoo kale kaabayaasha muhiimka ah ee suurtageliya in goobta ay shaqeyso.
Agaasimaha guud ee IAEA, Rafael Grossi, ayaa u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in la burburiyay warshaddii tayaynta shidaalka (PFEP) iyo kaabayaasha korontada ee Natanz. Ma jiro wax calaamad ah oo muujinaya weerar muuqda oo lagu qaaday hoolka dhulka hoostiisa, laakiin khasaaraha korantadu uu waxyeelo u geystay qalabka baaritaanada ee halkaasi, ayuu raaciyay.
Machadka caalamiga ah ee Sayniska iyo Amaanka ee fadhigiisu yahay Maraykanka ayaa sheegay in burburinta PFEP ay ahayd mid muhiim ah sababtoo ah xarunta ayaa loo isticmaalay in lagu soo saaro 60% yuraanyoomta iyo sidoo kale horumarinta qalabaka (centrifuges).
“Ma hayno sawir cad oo ku saabsan sida dhakhsaha ah ee Iiran ay dib ugu bilaabi karto hawlgalkeeda ama haddii Iiran ay awood u leedahay inay leexiso yuraanyoomta ilaa IAEA ay tagto goobta,” ayay tiri Davenport.
Xilli dambe oo Jimcihii ah, Iiran waxa ay ku wargelisay IAEA in Israa’iil ay weerartay warshadda Fordo ee tayeynta iyo Xarunta Tiknoolajiyada Nukliyeerka ee Isfahan.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in weerar ka dhacay Isfahan ay ku “burburiyeen xarun laga soo saaro macdanta yuraanyoomta, shaybaaro iyo kaabayaal kale.
“Illaa inta Fordo ay sii shaqeynayso, Iiran waxa ay weli ku jirtaa khatarta fiditaanka hubkaaasi ee mustaqbalka dhow. Dahraan waxa ay haysataa ikhtiyaarka ah inay kobciso tayeynta heerka hubka ee goobta ama u weeciso yuraanyoomta meel aan la shaacin,” ayay tiri Davenport.
Waxaa intaasi ay ku dartay in ay taasi tahay yool aan suurtagal ahayn.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu sii socon doono “maalmo badan oo ay qaadaneyso in meesha laga saaro khatartan”.
“Weerarradu waxa ay burburin karaan xarumaha iyo bartilmaameedka saynisyahannada laakiin ma tirtiri karaan aqoonta Nukliyeerka Iiran, Iiran waa ay dhisi kartaa si ka dhaqso badan waqtiyadii hore sababtoo ah horumarka ay ku samaysay kobcinta yuraanyoomta,” ayay tiri.