Isniin 30 June 2025 {HMC} Steel Dome waa nidaam difaaca hawada sare oo Turkigu sameeyay. Waxaa loogu talogalay qalabkan in uu difaaco joog kasta oo hawada ah.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka soo laabanayay shirkii NATO ee ka dhacay Hague, Netherland ayaa u sheegay wariyayaasha qiimaha uu leeyahay nidaamka difaacyada hawada sare. Wuxuu ku tilmaamay Steel Dome in uu yahay nidaam ka kooban nidaamyo.
Isagoo tixraacayay dagaalkii dhawaan u dhexeeyay Israel iyo Iran ayuu Erdogan sheegay in nidaamyada difaaca aysan ku ekeyn S-400. “Dadkeena sicad ayey taas u arkeen” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.
“In la haysto gantaalo joogagoodu kala duwan yahay oo isla shaqeeya sida unugyada jirka aad ayey muhiim u tahay…waxaan u baahannahay in aan kordhino awoodeena madaafiicda”.
Qalabkan difaaca ayaa isku xiraya difaacyada hawada ee kala sareeya, waxa uu leeyahay awood soo qabaneysa gantaalada.
Khubaradu maxay ka yiraahdeen?
Khubaradu waxay eegeen, waqtiga, muhiimada iyo astaamaha mashruucan. Waxaa la sheegay in qalabka difaaca Turkiga sameynayo ay u shaqeynayaan si isku dhafan oo loo yaqaan “Steel Dome”.
Qoraal ka soo baxay agaasinka isgaarsiinta Turkiga ayaa lagu sheegay in “Steel Dome” uu si aan la daremeyn uu isugu xirayo dhammaan shabakadaha lakabyada difaaca hawada kaddibna uu abuurayo sawir si toos ah xogta ugu gudbinayo xarumaha howlgalada, waxaana go’aanada ka caawinaya garaadka macmalka (AI). Waa qalab loogu talogalay gudaha iyo dibadda Turkiga
Muxuu qalabkan muhiim u yahay?
Sinan Ulgen oo ah agaasimaha Xarunta Cilmibaarista Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Dibadda oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in Turkiga ay diiradda saarayaan istaraatiijiyada difaaca hawada in ay tahay “jidka ugu saxan”.
“Qorshahan waxaa loo arkaa wax mashruuc ka sareeya oo ah masiir ah. Waa nidaamka isku dhafan ee difaaca Turkiga, waxay ka qaadaneysaa kaalin hagis doorka maalgelinta difaaca hawada sare”.
Ma waxa uu la mid yahay “Iron Dome-ka Israel”?
Sinan Ulgen waxa uu sheegay, “Fikradan waxaa adduunka ka hirgeliyay Israel, magac ahaan waxa uu u dhow yahay kan Iron Dome”. Wuxuu kaloo intaas ku daray “Marka aad fiiriso tiknolojiyada dagaalka iyo dagaalkii Iran iyo Israel, muhiimada ay leeyihiin gantaalada difaaca hawada sare ayaa kordhay”.
Aaron Stein oo ah khabiir difaaca oo u dhashay Mareykanka kaas oo si dhow ula socday horumarka Turkiga ka gaarayo qalabkan ayaa BBC-da u sheegay in mashruucan loogu talogalay in uu ka jawaabo “khataro kala duwan oo ka imaanaya gantaalo kala duwan”.
Wuxuu kaloo khabiirku sheegay in labada qalab ay kala duwan yihiin. “Turkiga kiisa waxaa loogu talogalay lidka diyaaradaha”.
Turkiga ma isticmaalayaa lidka diyaaradaha S-400?
Markii la daahfuray mashruuca “Steel Dome” kaddib waxaa xoogeystay doodaha ku saabsan gantaalada S-400 ee Turkiga ka soo iibsaday Ruushka.
Murat Yatkin ayaa sheegay marka la fiiryo xubinimada Turkiga ee NATO in laysku xiro S-400 oup Steel Dome ay noqoneyso dhibaato.
Sinan Ulgen wuxuu kaloo isna BBC-da u sheegay in shaqeynta iyo dayactirka qalabka S-400 ay u baahan yihiin khubaro Ruushka.
Turkiga waxay S-400 kaga soo iibsadeen Ruushka sanadkii 2017-kii lacag gaareysa 2.5 bilyan oo doolar, in loo keeno waxay qaadatay ilaa iyo 2019-kii. Markii Turkiga ay iibsasdeen qalabkan Mareykanka waxay saareen cunaqabteyn, waxaana Ankara loo diiday in laga iibiyo diyaaradaha F-35 jiilka shanaad.
Goormuu Steel Dome shaqada bilaabayaa?
Ulgen wuxuu sheegay in gantaalda ridada dhexe uu hadda difaaci karo habka Steel Dome oo shaqada hore ay u sii bilaabatay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in mashruucan uusan dhawaan ku soo gabogaboobeyn iyadoo Trukiga ay sii isticmaali doonaan qalabyada kale ee difaaca. Ulgen wuxuu kaloo intaas uu ku daray “Sameynta qalab difaac oo daboolaya dalka, tijaabadiisa iyo in la ogaado guushiisa kaddibna laga dhigo qalab laysku haleyn karo, waxay inta badan qaadaneysaa waqti”.
Ciidamada Turkiga waxay hadda haystaan qalabka difaaca Aselsan ee Turkigu sameeyo marka ay ka hortagayaan khataraha jooga hoose ku socda iyo Hisar oo loo isticmaalo kuwa dhexe. Qalabkaas ayaa la sheegay in ciidamada la siinayo ilaa dhammaadka sanadkan.
Xigasho BBCÂ