MW Xasan oo Magacaaway Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka

0
22

Isniin 30 June 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabay Mudane Wali Guuleed Nuur, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wakaaladda Madbacadda Qaranka oo ka mid ah hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dib u hawlgelinteeda waxaa la filayaa inay kaalin mug leh ka qaadato hawlaha la xiriira daabacaadda dukumentiyada kala duwan ee dowladda iyo hawlaha kale ee muhiimka ah ee dalka looga baahanyahay.

Waxaa markii ugu horeysay ay Wakaaladda Madbacadda Qaranka hawlgashey sanadkii 1971-kii, iyadoo door weyn ka cayaartay ka haqabtirka dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee dalka ka jiray dhanka arrimaha daabacadda.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa saameeyay wakaaladda oo ka mid noqotey hay’adihii ku burburay colaadihii jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here