Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC}Waxaa Degmada Moqokori ka socda kulamo heer sare ah oo u dhexeeya mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo diiradda lagu saarayo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda AS.
Kulamadan ayaa waxaa hormuud u ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, isagoo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida gaar ahaan militariga iyo hay’adda nabad sugidda Qaranka iyo sidoo kale mas’uuliyiin hore, sida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax, iyo Guddoomiyihii hore ee Degmada Maxaas.
Ujeedada kulamadan ayaa ah sida loo laba jibbaari karo howlgalka dagaal ee lagula jiro AS, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa qorshaha dib-u-xoreynta deegannada ay kooxdaasi dhawaan ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo Taas oo cabsi ku abuuray shacabka deegaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kulammo gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada deegaanka ee loo yaqaan “Macawiisleeyda”, oo door muuqda ka qaata dagaallada ka dhanka ah AS.
Waxaa kulamadan lagu falanqeeyey baahiyaha degdegga ah ee ciidamada deegaanka, xoojinta wada shaqeynta laamaha amniga, iyo sidii loo gaari lahaa guulo waaweyn oo joogto ah.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo AS ay dhawaan dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen deegaano hoos yimaada Degmada Moqokori, taasoo keentay in la dareemo xaalad amni oo cusub iyo baahi loo qabo in la adkeeyo difaacyada deegaanka.
Kulamadan ayaa la filayaa in ay horseedaan qorshayaal cusub oo wax ku ool ah, kuwaas oo lagu Dagaalamaayo kooxda AS weli ku sugan qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, gaar ahaan agagaarka Degmada Moqokori.