Faahfaahino laga Helayo Maleeshiyaad Hubeysan oo Dad shacab ah Dil iyo Dhaawac ugu Geystay Qoryooleey

0
19

Khamiis 3 July 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan rasaas khasaare kala duwan geysatay ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Suuq yaraha degmadaas.

Rasaasta maleeshiyaadka hubeysan fureen ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid dadka shacabka ah ee ku sugnaa Suuq yaraha degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hal qof oo dumar ah ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyootay rasaasta maleeshiyaadka ku fureen dadka shacabka ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo kale, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen dad ku sugnaa Suuq yaraha Qoryooleey.

Qofka geeriyooday ee dumarka ah ayaa magaciisa lagu sheegay Xabiibo Cali Shiiqaaley oo ahayd haweeney suuqaasi ku ganacs jirtay, islamarkaana halkaas ka dabari jirtay nolol maalmeedka qoyskeeda.

Maleeshiyaadka hubeysnaa ee falkaan geystay ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta, lamana oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka maleeshiyaadka geysteen, mana jirto cid loo soo xiray ama lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen falkaas.

Si kastaba ha ahaatee weerarkaan ka dhacay Suuq yaraha Qoryooleey oo cabsi badan galiyay dadka ku nool degmadaas ayaa kusoo aadaya, iyadoo magalaadassi inta badan ay ka dhacaan dagaal beeleeyo geysta khasaariiyun isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here