Iiraan oo sheegtay in ay soo ridday diyaarad dagaal oo ay Israa’iil leedahay

0
32

Khamiis 3 July 2025 {HMC} Sida ay qortay warbaahinta Iiraan islamarkaana maalmihii la soo dhaafay ay tebinayeen masuuliyiin Iiraan ah, waxa ay sheegeen in ay weerar la beegsadeen diyaarad nooca dagaalka ah oo ay Israa’iil leedahay oo la yidhaahdo F-35. Warbixnnadaasi ayaa baahintoodu bilaabantay intii lagu guda jiray 12-kii maalmood ee labada dhinac ay weerrarada is dhaafsanayeen, waxaanay socdaan ilaa maanta. Masuuliyiinta Iiraan ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay ku soo dhacday deegaanno u dhow Varamin, Tabriz, iyo Kermanshah. Waxaanay intaasi raaciyeen in la qabtay duuliye gabadh ah oo Israa’iil u dhalatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here