Khamiis 3 July 2025 {HMC} Kuuriyada Waqooyi ayaa doonaysa in ay saddex jibaarto tirada ciidamadeeda ka dagaalamaya dhanka Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine, iyadoo u diraysa 25,000 ilaa 30,000 oo askari oo dheeraad ah si ay u taageeraan Moscow, sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka Ukraine.
Telefishinka fadhigiisu yahay Mareykanka ee CNN oo soo xiganaysa Warbixin ka soo baxday Sirdoonka Ukraine ayaa lagu yidhi, Askartan ayaa laga yaabaa inay soo gaaraan dalka Ruushka bilaha soo socda.
CNN ayaa dib u eegtay sawiro dayax-gacmeedka lagu qaaday, waxayna aragtay in markabka Ruushka ee Ropucha, oo falanqeeyayaasha ay ku qiyaaseen in uu qaadi karo ilaa 400 oo askari la arkay isaga oo gooshaya.
Markabkan ayaa loo adeegsaday sannadkii hore in ciidamada Kuuriyada Waqooyi lagu geeyo Ruushka, waxaana imika la ogaaday inuu mar kale ku soo xirtay dekedda Danube ee u dhow Nakhodka bishii May.
Diyaaradaha xamuulka ayaa sidoo kale lagu arkay garoonka diyaaradaha ee Sunan ee Kuuriyada Waqooyi. Waxaa la rumeysan yahay in tani ay calaamad u noqon karto in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay mustaqbalka u daabulayaan dalka Ukraine.