Khamiis 3 July 2025 {HMC} Kadib dagaalkii Iran iyo Israel oo socday 12 maalmood, waxaa sii xoogeystay xariga iyo tarxiilka lagu hayo qaxootiga Afganistan ee ku sugan Iran. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Iran, habka lagu xirayo dadka reer Afgaanistaan ma joogsan xitaa maalmihii dagaalka.
Xukuumadda Iran ayaa ku dhawaaqday waqti kama dambays ah bishii March in qaxootiga “sharci-darrada ah” ee Afgaanistaan ay laabtaan, laakiin dagaalka Israa’iil iyo Iran waxaa sii xoogeystay tarxiilka.
Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, boqolkiiba 70 dadka soo laabtay si qasab ah ayaa dalka looga saaray, kuwaasoo tiro badan oo ka mid ah ay yihiin haween iyo carruur.
Carafaat Jamal, oo ah madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee Afgaanistaan, ayaa sheegay in “ku soo laabashada qaxootigan aee Afqanistan ay noqdeen kuwo aad u badan oo aan la maarayn karin.
Mararka qaarkood ilaa shan bas ayaa ka yimaada Iran isku mar, kuwaas oo ay saaran yihiin rag, dumar iyo caruur kuwaas oo daalan, gaajaysan, wareer iyo naxdin ay ka muuqato.” Afgaanistaaniyiinta ku nool Iran ayaa sheegay in mowjadda cusub ee masaafurinta ay la socoto dacaayad warbaahineed iyo xitaa dhiirigelinta dadweynaha si ay u soo sheegaan dadka aan sharciga lahayn ee Afgaanistaan.
Dad badan oo reer Afgaanistaan ah ayaa sheegay in lagu caayo waddooyinka iyo suuqyada iyagoo wata calaamado ay ka mid yihiin “Basaasiinta Israa’iil”.