Sabti, 05 Jully 2025 {HMC} Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya loo kordhiyey lix bilood oo dheeraad ah, taasoo beddelaysa qorshihii hore ee lagu waday inay dhammaanayaan bixitaankooda 30-ka June 2025.
Go’aankan ayaa yimid kaddib kulan lagu falanqeeyey dib u dhac ku yimid howlgalka cusub ee, kaasi oo beddelaya howlgalkii hore ATMIS.
Dib u dhacyadaas ayaa si gaar ah ugu yimid dalalka ciidamada keeni lahaa, gaar ahaan dalka Masar, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.
Ciidamada Burundi ayaa sii joogi doona Soomaaliya si ay u xoojiyaan howlgalada ka dhanka ah AS, isla markaana u taageeraan dowladda Soomaaliya.
Kordhinta lixda bilood ah ayaa ujeedkeedu yahay in la siiyo waqti dheeraad ah dhammaan waddamada ciidamada ku soo dari doona AUSSOM si ay u dhameystiraan diyaar garowgooda.
Midowga Afrika ayaa hoosta ka xarriiqay caqabadaha weli horyaalla geeddi-socodka kala guurka, oo ay kamid yihiin dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa agab, kuwaasoo si weyn u saameeyey qorshaha kala guurka.
Burundi ayaa muddo ka badan toban sano kaalin muuqata ka qaadanaysay nabad-ilaalinta Soomaaliya, balse dhawaan ayay ku dhawaaqeen in ay ka baxayaan dalka sababo u gaar ah.