Sabti, 05Jully 2025 {HMC} Xamaas ayaa sheegtay inay gaarsiisay “jawaab wanaagsan” dhexdhexaadiyaasha ee soo jeedintii ugu dambaysay ee xabbad joojinta cusub ee Qaza iyo sii daynta lahaystayaasha ee heshiiska uu soo jeediyay Maraykanka.
Kooxda hubaysan ee reer Falastiin ayaa ku dartay bayaanka inay ”dhabtii diyaar u ahayd galitaanka si dhakhso ee wareega wadahadalada.
Sarkaal sare oo caan ah oo reer Falastiin ah ayaa BBC u sheegay Xamaas ay aqbashay qorshaha guud laakiin ay codsaatay dhowr beddel oo muhiim ah, oo ay ku jirto Maraykanku uu damaanad qaado colaadu aysan dib u soo laaban doonin, haddii ay heshiis joogta ah oo lagu dhamaynayo dagaalka 20-ka bilood ah uu guul daraysto.
Ma jirin jawaab degdeg ah oo kasoo baxday Israa’iil iyo Maraykanka. Laakiin waxaa ay horay u cagajiideen aqbalka dalabaad u dhow kuwaas.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Xamaas ay aqbasho waxa uu ugu yeeray “Soo jeedintii u dambaysay ” isaga oo uga digay kooxda “aysan kasii rayn doonin- oo ay kasii dari doonto oo kali ah”
Waxaa la rumaysan yahay qorshaha ay ku jirto sii daynta 10 maxaabiis nool oo ay haysato Xamaas iyo maydadka 18 kale oo lahaystayaal ah si loogu beddelo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu hayo xabsiyada Israa’iil. 50 lahayste ayaa weli lagu hayaa Qaza, ugu yaraan 20 ka mid ah oo la rumaysan yahay inay nool yihiin.
Soo jeedinta ayaa lagu waramayaa inay ku jirto tiro gargaar bini’aadanimo oo ku filan inay gasho Qaza sida ugu dhakhsiiyaha badan iyada oo ay qayb ka tahay QM iyo guddiga caalamiga ah ee laanqeyrta cas.
Sarkaalka sare ee reer Falastiin ayaa sheegay Xamaas ay dalbanaysay gargaarka si dhamaystiran ay u qaybiyaan QM iyo bahwadaagtooda, iyo in nidaamka qaybinta muranka badan uu ka dhashay ee ay maamulaan Israa’iil iyo Maraykanka ee GHF si dhakhso ah loo soo gabagabeeyo.
Isbeddelka kale ee muhiimka ah ee ay dalbatay Xamaas ayaa ahaa la bixitaanka ciidamada Israa’iil, sida uu sheegay sarkaalka Falastiiniga ah.
Soo jeedinta Maraykanka ayaa la aaminsan yahay ay ku jirto ka bixitaanka qaybo ka mid ah Waqooyiga iyo Koonfurta Qaza. Laakiin sarkaalka ayaa sheegay Xamaas ay tilmaamtay ciidamada ay ku laabanayaan boos ay horay u qabsadeen kahor burburka xabbad joojintii Maarso, markii ay Israa’iil ay dib u bilowday weerarkii ka dhanka ahaa kooxda.
Sarkaalka Falastiiniga ayaa sheegay Xamaas ay sidoo kale doonayso u balan qaado Maraykanka in Israa’iil aysan dib u soo bilaabi doonin howlgalada haddii ay guul daraysato xabbad joojin rasmi ah.
Milatariga Israa’iil ayaa sii waday duqaynta dhamaan goobaha marinka Qaza, iyada oo Maraykanka iyo Israa’iil ay sugeen jawaabta Xamaas ee soo jedinta xabbad joojinta ee Jimcihii.
Wasaarada Caafimaadka ay maamusho Xamaas ee Qaza ayaa sheegtay galabnimadii weerarka Israa’iil lagu dilay 138 falastiiniyiin ah ee dhamaadka 24-tii saac ee hore.