Kolama Xoogan oo ka Soconayo Gobolka Sool iyo Dhisamaha SSC-Khatumo Bilow ah

0
20

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Waxaa soconaya dadaalo lagu xoojinayo Aqoonsiga Dowlad goboleedka SSC Khaatumo, iyada oo dadka deegaanno kamid ah gobolka Sanaag ay daneynayaan in ay ku soo biiraan maamulka.

Kulamo ayaa ka kala socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo Ceelhura oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa billaabay wada tashiyo la xiriira dhammeystirka dowlad goboleedka, iyada oo kulamo ay ka dhaceen Caasimadda SSC Khaatumo.

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC Khaatumo ayaa la kulmay Odoyaasha dhaqanka ee qaar kamid ah deegaannada maamulkaasi.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka in ay ka shaqeeyaan dhismaha dowlad goboleedka SSC Khaatumo.

Dhinaca kale, ciidanka Puntland iyo Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ka socdaan kulmada dadka deegaanka.

Maamulka SSC ayaa la qorsheynaya inuu ka koobnaado saddex gobol, iyadoo dowladda Federaalka ay magacaawday guddi ka kooban 8 xubnood oo ka soo talo bixin doona howlaha dhismaha dowlad goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here