Sabti 4 Oct , 2025 {HMC} Weerar uu fuliyay Ruushka ayaa maanta lagu dilay wariye Faransiis ah oo lagu magacaabo Antoni Lallican, isagoo ku sugnaa agagaarka magaalada Druzhkivka ee gobolka Donetsk, xilli uu la socday ciidanka Ukraine, sida laga soo xigtay France 24.
Lallican, wuxuu tan iyo sannadkii 2022 , soo gudbinayay wararka dagaalka Ukraine , isagoo tagayay goobaha dagaalka.
Waxay u muuqataa weerarkan in loo fuliyay ujeeddo gaar ah , waxaana laga fahmi karaa saxafigan inuu waqti dheer bartilmaameed u ahaa ciidanka Ruushka , balse dilkiisa waxaa lagu aadiyay maalin kaddib markii ciidanka Faransiiska ay xireen kabtanka markab uu Ruushka leeyahay oo qaada shidaalka oo ay toddobaadkan afduubeen ciidanka Faransiiska , iyagoo ku eedeynaya inuu markabkan fulinayay howlgallo milatariga oo dushiisa laga dirayay diyaaraddo aan duuliye lahayn oo la dul geeyay xarumo muhiim ah oo ku yaalla dalalka waqooyiga Yurub.
Dilkan oo loo tixgelinayo farriin ku socota Faransiiska oo loo sheegayo sida ay bartilmaameedyo u yihiin muwaadiniintiisa , wuxuu Ruushka u adeegsaday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo leh nidaamyo hagis aragtida ah oo lagu qarxiyay wariyahan isagoo ku dhex jira suxufiyiin kale ,waxaana geeriyooday kaligii, halka wariye kale oo Ukraine u dhashay uu dhaawacmay, taa oo loo qaadan karo inuu ahaa bartilmaameed toos ah.






