WAR DEG DEG AH Xamaas oo Ongolaatay in ay Siideyso Maxaabiista Israiil.

0
27

Saturday 4 Oct , 2025 {HMC} Xamaas ayaa sheegtay in ay ogolaatay in la sii daayo dhamaan la haystayaasha Israa’iil, iyadoo la raacayo soo jeedinta Madaxweynaha Maraykanka Trump ee qorshaha Nabada Gaza.

Xamaas ayaa wareejindoonto dhamaan Maxaabiista kuwa dhintay iyo Kuwa nool sida ay Baahisay TV ga al jazeera.

Ururka Xamaas, ayaa gudbiyay mowqifkooda qorshaha Trump uu soo bandhigay ee dagaalka Qasa, iyagoo la wadaagay dhex dhexaadiyaasha, sida ay werisey Al Jazeera.

Lama helin faahfaahin, haddii ay Xamaas oggolaadeen qorshaha ama ay ku sameeyeen wax ka beddel, xilli Aqalka Cad hadal ka soo baxay waxyar ka hor lagu sheegay ; “ Haddii ay Xamaas diido inay ansixiso qorshaha nabadda Qasa, waxaa ku dhici doona cawaaqib xun oo aysan horey u qiyaasin.” Isla hadalkan waxaa ka horreyay hanjabaad uu Trump diray oo ah haddii Xamaas ay iska diido qorshaha uu soo jeediyay inay wajihi doonto xaalad burbur leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here