Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay xubin ajnabi ah oo ka tirsan Daacish, kaasoo ciidamada ay qabteen intii ay socdeen howlgallo shalay dhacay. Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay kooxda Daacish kala wareegeen ceelasha Dharinta iyo Buticiso oo Daacish u adeegsan jireen saldhigyo ay duullaanno ka soo qaadaan.
Saddex askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay hawlgalladan, halka lix kale ay ku dhaawacmeen. Ciidamada ayaa maanta sii wada howlgallada, iyagoo galay deegaannadii ay kooxda Daacish ka baxeen.
Howlgalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ayaa kusii siqaya muddo sanad ah, iyadoo Puntland ay sheegtay in 95% la wiiqay awooddii ay lahaayeen Daacish tobankii sano ee ugu dambeysay.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawaan wareysi uu bixiyay sheegay in Daacish ay qorsheynayeen inay bishii lixaad ee sanadkan qabsadaan magaalada Boosaaso, balse ay ka hortageen qorshahooda, isagoo sheegay in haatan iyagii lagu ugaarsanayo dhulkii ay ka talin jireen sanad ka hor.






