Israaiil oo masaafurisay 137 qof oo ka mid ahaa dadkii la socday doomihii ay qabtay iyagoo ku sii jeeda Qasa.

0
21

Sabti 4 Oct , 2025 {HMC} Israaiil ayaa maanta masaafurisay illaa 137 qof oo ka mid ahaa dadkii la socday doomihii la qabtay iyagoo ku sii jeeda Qasa, si ay go’doominta u jebiyaan.

Mid ka mid dadka la soo celiyay oo Turkiga u dhashay ayaa sharraxay , waxa ay la kulmeen inta ay gacanta ugu jireen ciidanka Israa|l; “ Waxay naga joojiyeen dawooyinkii aan wadanay , waxayna biyo noo oggolaadeen 32 saac, markii ay gacanta nagu hayeen ,

cunto aad u yar ayayna na siinayeen… labo saac oo kasna marka aan seexano eeyo iyo qoryaha snipers-ka ayay nagu kicin jireen si aanan u seexan,

bal qiyaas marka annaga oo wadana baasabooro oo ay naga dambeeyaan dawladdo diblomaasiyad xooggan leh , maxay ku sameeyaan Falastiiniyiinta aysan jirin cid ka dambeysa?”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here