Kaalin intee La eg Ayeey ka qaaday Jaamacadda Zamzam Soomaaliya Wax soo saarka Dalka.?

0
24

Saturday 4, October 2025 {HMC} Zamzam University of Science and Technology (ZUST) ee Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay wax kaga qabaneyso arrimaha sugnaanta cunnada ee dalka, iyadoo kordhinaysa wax soo saarka beeraha.

Jaamacadda fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho oo ay taageerayaan hay’adaha Turkiga sida TIKA iyo Hay’adda Humanitarian Relief Foundation (IHH) ayaa kuliyadeeda Beeraha ku bixisa teknoolojiyad casri ah oo dhanka beeraha ah, halkaas oo cilmi baaris iyo tijaabooyin lagu sameeyo, wax soo saarka beerahana lagu beero guryaha lagu koriyo.

“Aad baan ugu hanweynahay in aan niraahno in mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee Jaamacadda Zamzam ku leedahay Soomaaliya ay tahay hagaajinta haqab-beelka cuntada oo heer gaar ah la gaarsiiyo,” ayuu yiri Guddoomiyaha ZUST Maxamuud Maxamed Xasan Xarbi oo u warramayay Anadolu, isagoo soo qaatay in jaamacadda ay tahay tii ugu horreysay ee Soomaaliya keenta beero lagu beero dhirta.

Wax-soo-saarka asaasiga ah ee xarumaha lagu koriyo ee jaamacadda waxaa ka mid ah yaanyada, basbaaska, qajaarka iyo khudaarta kale duwan, oo ay la socdaan miraha sida muuska, canbaha iyo qaraha.

Tababarka jiilka cusub ee beeralayda

Xarbi waxa uu sheegay in ka dib booqashadii uu Madaxweynaha Turkiga (Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi) Rajab Dayib Erdogan uu sannadkii 2011-kii ku yimid Somalia, IHH, TIKA iyo Hay’adda Zamzam Foundation ay ka wada hadleen sidii loo tababari lahaa Beeraley tayo leh oo awood u leh inay kor u qaadaan wax-soo-saarka Beeraha iyo Cunnada dalka, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay sidii loola dagaalami lahaa gaajada Soomaaliya.

Kulliyaddu waa mid ka mid ah wax-soo-saarka raasamaal ee Soomaaliya xagga beeraha,” ayuu yidhi.

Xarbi waxa uu sheegay in aasaaska kuliyadani ay tahay talaabadii ugu horaysay ee horumarinta wax soo saarka beeraha, isaga oo intaa ku daray in jaamacaddu ay tan iyo wakhtigaas xooga saartay sidii ay dhalinyarada u bari lahayd si hufan oo ay u adeegsadaan farsamada casriga ah ee beeraha.

Waxa uu sheegay in ka dib labo sano oo dhalinyaro ah oo ay ku tababarayeen koorsooyin gaagaaban iyo shahaado, ay aas aaseen ZUST sanadkii 2014-kii oo ay ka heleen kuliyada Beeraha.

Hadafka ayaa ahaa in la dhiso awoodda joogteynta cuntada iyo wax soo saarka, ka dib la ballaariyo oo lagu daro caafimaadka iyo daawada, iyo kuliyadaha injineernimada iyo tignoolajiyada, ayuu raaciyay.

Ka gudubka caqabadaha biyaha si kor loogu qaado sugnaanta cuntada

Iyadoo Soomaaliya 20-kii sano ee la soo dhaafay ay caqabado waaweyn ka soo wajahday dhinaca wax soo saarka cuntada iyo amniga, ayuu Xarbi ku micneeyay in ZUST ay tobankii sano ee la soo dhaafay tababar siisay beeraley tayo sare leh kuwaasoo hadda kala shaqeeya Wasaaradda Beeraha iyo dowlado kala duwan si loo horumariyo wax soo saarka cunnada guud ahaan dalka ku yaalla Bariga Afrika.

Waxa uu sheegay in ay bilaabeen in beeralayda ay keenaan jaamacadda si ay u muujiyaan sida aqalka dhirta lagu koriyo ee deegaanku ay gacan uga geysan karaan kor u qaadista isticmaalka biyaha iyo kordhinta wax soo saarka beeraha.

“Hadda wax-soo-saarka qudaarta Muqdisho wuxuu ku xiran yahay beeraleyda aan tababarno, kuwa qalin-jabiya oo aan soo saarno,” ayuu hoosta ka xariiqay.

Soomaaliya oo leh labo webi iyo carro qani ah, beeraley badan ayaa ku tiirsan beeraha roobka, ayuu yiri Xarbi, sababtoo ah ma awoodaan matoorro ay biyaha ka soo saaraan wabiyada, taasoo ka mid ah caqabadaha ugu adag ee ay la kulmaan.

“Haddii ay helaan taageero ku aaddan sidii looga faa’iideysan lahaa webiyada iyo sidii looga faa’iideysan lahaa biyaha ceelasha biyaha dhulka hoostiisa ku jira, waxaan qabaa inaan ka caawin karno beeralayda inay soo saaraan cunto ku filan Soomaaliya,” ayuu xusay.

Kobcinta dariiqa haqab-beelka cuntada

C/risaaq Maxamed Sheekh Cabdi oo ah ku xigeenka hormuudka kuliyadda, isla markaana ka qalin jabiyay dalka Turkiga, ayaa sheegay in beeraleyda ay inta badan ka maqan yihiin dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, balse sanadkii 2012-kii la sameeyay guryo lagu koriyo oo ay iska kaashadeen TIKA iyo hay’adda Zamzam Foundation, dadka deegaanka ayaa ogaaday in galleyda la goosan karo 3-4 jeer sanadkii.

Waxa uu carabka ku dhuftay in sugnaanta cuntada lagu xaqiijiyo dhanka beeraha iyadoo ardayda la barayo tignoolajiyada casriga ah ee beeraha muddo afar sano ah, iyadoo loo diyaarinayo sidii wax looga qaban lahaa cunto yarida dalka ka jirta iyadoo loo marayo wax soo saar sare.

Sisinta iyo sarreenka ayaa sidoo kale la beeraa, Cabdi ayaa sheegay, isagoo intaa ku daray in beerista Qamadiga ay ku suuragashay tijaabooyin lagu sameeyay jaamacadda.

“Haddii tillaabooyinka saxda ah la qaado, macaluul iyo cunto yari ka dhici mayso Soomaaliya,” ayuu ku nuux-nuuxsaday.

 

Xigasho AA
Gokhan Kavak and Ahmed Satti 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here