Ruushka iyo Shiinaha oo fuliyay howlgallo xogta Looga xadayaan dayax-gacmeedyada reer galbeedka.

0
24

Sabti 4 Oct , 2025 {HMC} Dowladdaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa hawada sare ka fuliyay howlgallo ay xogta uga xadayaan dayax-gacmeedyada reer galbeedka , halka ay mararka qaar joojinayaan dhaqdhaqaaqa iyo howlaha dayax-gacmeedyada, sida uu maanta sheegay taliyaha taliska caalamiga ah ee ciidanka Ingiriiska , Jen. Paul Tedman oo la hadlay BBC-da.

Sarkaalkan wuxuu tilmaamay in Ruushka uu toddobaad walba isku dayo inuu carqaladeeyo isgaarsiinta dayax-gacmeedyadeeda milatari, isagoo adeegsanaya nidaamyo dhulka u yaal si uu u joojiyo ama u farageliyo dayax-gacmeedyada Ingiriiska. Tedman wuxuu intaas ku daray in dayax-gacmeedyada Ruushka ay wataan qalab u oggolaanaya inay la socdaan oo xog ka ururiyaan dayax-gacmeedyada kale.

Wuxuu sidoo kale ka digay in Shiinaha uu leeyahay tiknoolajiyad aad u horumarsan oo lagu burburin karo ama lagu curyaamin karo dayax-gacmeedyada, sida isticmaalka laysarka iyo hubka kale ee ka dhanka ah dayax-gacmeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here