Xildhibaan C/rahman C/shakuur oo ka hadlay Weerarkii ka dhacay Muqdisho.

0
29

Sabti 4 Oct , 2025 {HMC}  “Weerarku wuxuu dhacay isla maalintii ay dowladdu billowday ololaha wadda-furista, iyadoo la sheegay in lagu guuleystay xal u helidda caqabadihii amni ee magaalada.

Waxaan cambaareynayaa weerarka ay kooxda argagixisada ah ee AS ku qaadeen xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho oo ku taal meel ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Dabaaldeggi subixii hore iyo weerarka galabkii wuxuu daaha ka rogayaa farqiga u dhexeeya farriimaha siyaasadeed iyo diyaargarowga amniga iyo taxaddarka looga hortegayo cadawga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here