Ciidanka Gorgor oo dhoolatus ku sameeyay Muqdisho.

0
31

Axad 5, Oct 2025 {HMC}  Ciidanka Gorgor ayaa maanta bandhig ku sameeyay Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa kormeeray bandhig ay sameeyeen cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska ee Ciidanka Xoogga Dalka oo soo gabagabeeyay tababar ay ku qaadanayeen Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyay ciidamada Gorgor dadaalkooda iyo u diyaargarowgooda difaaca dalka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Ciidamada kula dardaarmay dagaalka AS iyo in ay dardar galiyaan si looga saaro goobaha ay kaga sugan yihiin dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here